HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo wada-tashiyo qaran la yeeshay madax hore iyo siyaasiyiin

Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-tashiyo qaran la yeeshay madax hore iyo siyaasiyiin

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka la yeeshay Madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Kulankan ballaaran ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada iyo midnimada dhuleed, iyo sida looga jawaabayo tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaantay mid ka hor imanaysa madax-bannaanida iyo wadajirka dalka.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay kaalinta ay madaxda hore iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku leeyihiin talo-siinta qaranka, isaga oo xusay in difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay mas’uuliyad wadareed ka sarreysa khilaafaadka siyaasadeed, una baahan midnimo iyo isku-duubni qaran.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay xildhibaannada labada Aqal ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi iyo culimada Soomaaliyeed. Kulamadan ayaa barbar socday wada-xiriirro khadka taleefanka ah oo uu la sameeyay madaxda dalalka gobolka, saaxiibbada caalamiga ah iyo ururrada caalamiga ah, si loo xoojiyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimadeeda iyo qaranimadeeda.

Latest stories