HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh: Doorashada Golaha Deegaanka Banaadir waa tallaabo taariikhi ah oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Doorashada Golaha Deegaanka Banaadir waa tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dimuqraadiyad dhab ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed kaga hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashadani ay noqonayso tiii ugu horreysay ee ka dhacda magaalada Muqdisho muddo ka badan konton sano, taas oo uu ku tilmaamay dhacdo weyn oo mudan in si gaar ah loo xuso loona dabaaldego.

- Advertisement -

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in doorashadan ay astaan u tahay dib-u-soo kabashada dowladnimada dalka iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, isla markaana ay marqaati cad u tahay in ammaanka caasimadda Muqdisho uu heer wanaagsan marayo, taas oo suurto-gelisay in doorasho dadweyne lagu qabto.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay muwaadiniinta is-diiwaangeliyay inay si mas’uuliyad leh uga qeyb qaataan doorashada, isagoo xusay in ka faa’iideysiga xaqa codbixinta uu yahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ay yihiin tallaabo hore loogu sii socdo hirgelinta doorashooyin dastuur ah oo dalka oo dhan ka dhaca, kuwaas oo ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories