HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo heegan geliyay adeegyada gurmadka degdegga ah, iyadoo Muqdisho...

Maamulka Gobolka Banaadir oo heegan geliyay adeegyada gurmadka degdegga ah, iyadoo Muqdisho ay berri martigelinayso doorasho dadweyne

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Maamulka Gobolka Banaadir

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in dhammaan waaxyaha gurmadka degdegga ah iyo adeegyada caafimaadka la geliyay heegan buuxa, maadaama magaalada Muqdisho ay berri martigelin doonto doorasho dadweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay diyaarisay gaadiid ku filan oo isugu jira dab-damis, ambalaasyo iyo shaqaale tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24-saac si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta inta ay doorashadu socoto.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in shacabka caasimadda mar walba ay adeegsan karaan lambarka gaaban ee gurmadka degdegga ah ee 991, haddii ay la kulmaan xaalad u baahan gargaar degdeg ah.

Dr. Muungaab ayaa carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mar walba ka go’an yahay daryeelka iyo badbaadada muwaadiniinta, isaga oo ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay doorashada uga qaybqaataan si nabad ah oo mas’uuliyad leh.

Kulanka lagu shaaciyay diyaargarowgan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Latest stories