HomeWararBooliska Soomaaliya oo sheegay in Khamiista ay xirayaan waddooyinka Muqdisho

Booliska Soomaaliya oo sheegay in Khamiista ay xirayaan waddooyinka Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in maalinta Khamiista ah, oo ku beegan 25-ka December 2025, la xadidi doono guud ahaan dhaqdhaqaaqa waddooyinka magaalada Muqdisho, si loo sugo amniga doorashooyinka la filayo in ay ka billowdaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa kulan la qaatay dhammaan saraakiisha hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Booliska, isagoo faray in si buuxda loogu diyaar-garoobo sugidda amniga doorashada dadweynaha ee dhaceysa Khamiista.

- Advertisement -

Taliyaha ayaa sidoo kale saraakiisha amniga ku amray in shacabka loo fududeeyo sidii ay si nabadgalyo ah codkooda u dhiiban lahaayeen, isla markaana loo xaqiijiyo jawi amni oo deggan inta ay doorashadu socoto.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib, ayaa sheegay in talisku uu qorsheynayo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha degdegga ah ee soo wajihi kara bulshada, isagoo xusay in loo diyaariyay gaadiid gaar ah oo u shaqeyn doona adeegga shacabka.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa muujiyay in uu ku jiro diyaar-garow amni oo xooggan si loo sugo doorashooyinka dadweyne ee la filayo in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay muddo ku dhow konton sano, si muwaadiniinta fursad loogu siiyo inay si toos ah u doortaan hoggaankooda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts