HomeWararMucaaradka oo ku hanjabay dhismaha dowlad kale haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uusan...

Mucaaradka oo ku hanjabay dhismaha dowlad kale haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uusan wadahadal furi doonin bil gudaheed

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee Mucaaradka ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray

- Advertisement -

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee Mucaaradka ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shirka maalmahan ka socday magaalada Kismaayo, kaas oo ay ku mideysnaayeen maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

War-murtiyeedka shirka ayaa lagu soo bandhigay 17 qodob oo si faahfaahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka.

- Advertisement -

Golaha Mustaqbalka ayaa si cad ugu hanjabay in ay qaban doonaan doorasho gaar ah, haddii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uusan muddo bil gudaheed ah ku furin wadahadal ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Madaxweynuhu hadduu muddo bil ah ku furi waayo wada-hadal doorasho, goluhu wuxuu diyaarinayaa doorasho uu dalka ka qabanayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in doorashada ka socota Gobolka Banaadir ay tahay mid hal dhinac wado, isla markaana aan heshiis lagu ahayn maqaamka caasimadda, taas oo ay ku tilmaameen mid aan sharciyad buuxda lahayn.

- Advertisement -

Shirweynaha aayo-ka-tashiga Soomaaliyeed waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay dalka, iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu dayacay ammaanka dalka, isla markaana uu hakiyay dagaalkii lagula jiray kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ciidamada xoogga dalka laga jeediyay jiidda hore ee dagaalka, taasoo ay ku tilmaameen mid khatar ku ah amniga guud ee dalka.

Latest stories