HomeWararWararkii ugu dambeeyay shirka Kismaayo iyo warmurtiyeed la filayo in laga soo...

Wararkii ugu dambeeyay shirka Kismaayo iyo warmurtiyeed la filayo in laga soo saaro

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad,

- Advertisement -

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo ay ku mideysan yihiin maamulada Puntland, Jubbaland iyo xubnaha Madasha Mucaaradka, kuwaas oo kulamo kala duwan ku yeelanaya magaalada Kismaayo.

Intii uu shirku socday, magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulamo gooni-gooni ah oo diiradda lagu saarayay dhammeystirka dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Qodobadan ayaa ah kuwo si weyn u taabanaya jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan habka loo wajahayo doorashooyinka soo socda.

Maanta, dhinacyada ku jira shirka ayaa markale kulan ku leh xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaas oo ay kaga doodayaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashada qof iyo cod.

Doodahan ayaa imanaya xilli maalmaha soo socda lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Waxaa la filayaa in shirka Kismaayo maanta la soo gabagabeeyo, iyadoo lagu wado in warmurtiyeed rasmi ah laga soo saaro, kaas oo lagu caddeyn doono go’aannada iyo mowqifyada ay wada qaateen dhinacyada ku mideysan shirka.

Shirka ka socda magaalada Kismaayo ayaa ah mid si weyn indhaha loogu hayo, waxaana si dhow ula socda shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, maadaama la wada sugayo go’aannada ka soo bixi doona shirkaasi.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay shirka Kismaayo ayaa sheegtay in xubnaha isugu tagay magaaladaasi ay yihiin kuwo ku howlan kala qeybsanaanta dadka Soomaaliyeed, eedeyntaasi oo sii xoojisay is-mariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Latest stories