HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay shirka mucaaradka ee ka socda Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay shirka mucaaradka ee ka socda Kismaayo

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay shirka mucaaradka ee ka socda magaalada Kismaayo, xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabadda xuska sanad-guurada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ku shiraya Kismaayo in ay la yimaadaan aragtiyo iyo talooyin cad-cad oo wax ku ool ah, kuwaas oo ay fahmi karto ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay tanaasul iyo wadahadal miro-dhal ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed.

- Advertisement -

“Walaalaha Kismaayo waxaan leeyahay; haddaad isku timaadeen, tashada oo ra’yi la yimaada. Lama aadi karo Kismaayo annagoo diyaarad ka xiran oo aan haysan wax ay ummadda fahmi karto. Tanaasul ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka ay ka jirto xorriyadda hadalka, isla markaana mucaaradku xaq u leeyihiin in ay aragtidooda cabbiraan, balse uu jiro xad cad oo u dhexeeya hadal iyo fal hubeysan.

“Waa hadli kartaan, waana cabbiri kartaan aragtidiinna, dimuqraadiyad ayaana jirta inta hadalku joogo. Laakiin maalinta qori la qaato, tallaabo sharci ah ayaa la qaadi doonaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliilay mucaaradka, isaga oo sheegay in aysan weli soo bandhigin wax cusub marka loo eego doodihii hore, isla markaana shirar hore oo la mid ah kuwii hadda socday aysan wax xal ah u noqon xaaladda dalka.

“Aniga ma aqaan caqli Hotel Jazeera lagu joogay oo wax cusub keeni waayay, oo Kismaayo ka imaanaya,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli shirka mucaaradka ee ka socda Kismaayo uu si weyn u soo jiitay indhaha siyaasadda dalka, iyadoo la sugayo natiijooyinka rasmiga ah ee ka soo bixi doona kulamada halkaas ka socda.

Latest stories