HomeWararMucaaradka oo sheegay inaysan aqbali doonin muddo korarsi iyo doorasho hal xisbi...

Mucaaradka oo sheegay inaysan aqbali doonin muddo korarsi iyo doorasho hal xisbi wato

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho kaga dhawaaqay inaysan aqbali doonin muddo-korarsi sharci-darro ah ama doorasho uu hal xisbi wato, iyagoo ku baaqay hannaan doorasho oo heshiis qaran lagu yahay.

- Advertisement -

Madaxda mucaaradka Soomaaliyeed ayaa si cad u shaaciyay inaysan aqbali doonin muddo-korarsi sharci-darro ah oo ay sameystaan madaxda dowladda hadda jirta, marka uu dhammaado xilliga sharciyeed ee May 2026.

Hadalladan ayaa ka soo baxay shir ay xalay ku yeesheen Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen musharraxiin Madaxweyne, Ra’iisul Wasaareyaal hore, iyo siyaasiyiin caan ah.

- Advertisement -

Musharrax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uusan aqbali doonin natiijo ka timaadda doorasho uu hal xisbi wato, isagoo yiri:

“Ma aqbali karo, mana aqoonsani wixii ka dhasha doorasho uu hal xisbi wado.”
Khayre ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin amni lagu qaban karo doorasho, inta aan dalka laga xoreyn argagixisada.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in mucaaradku aysan aqbaleyn waxa uu ku tilmaamay doorasho beenaad ah oo ka socota Muqdisho, isagoo xusay in waqtigii dowladda uu dhammaaday, isla markaana loo baahan yahay hanaan doorasho oo heshiis lagu yahay.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhaliilay jihada doorasho ee dowladda, isagoo sheegay in doorashada ay waddo dowladda aysan dan u ahayn dalka, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka inay farageliso.

- Advertisement -

Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh ku takri-fal awoodeed, isagoo sheegay in talooyinka muhiimka ah ay ku urursan yihiin hal qof, isla markaana:

“Guddi hal qof leeyahay, doorasho hal qof leeyahay, iyo xisbi hal qof leeyahay ma soconeyso. Guddiga waa inuu noqdaa mid madaxbannaan.”

Sidoo kale, mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay xiritaanka jidadka, faragelinta amniga, iyo maamulka doorashada, iyagoo ku baaqay wada-hadal qaran iyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, mucaaradku waxay sheegeen in ay si mideysan uga hortagi doonaan tallaabo kasta oo keeni karta muddo-korarsi sharci-darro ah, iyagoo ku adkeystay in mustaqbalka siyaasadeed ee dalka lagu saleeyo heshiis, sharci iyo isla xisaabtan.

Latest stories