HomeWararBooliska Soomaaliya oo qabtay askari lagu eedeeyay dilka wiil bajaajle ah

Booliska Soomaaliya oo qabtay askari lagu eedeeyay dilka wiil bajaajle ah

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Booliska Soomaaliya ayaa ku qabtay Dayniile askari lagu eedeeyay dilka wade mooto bajaaj ah, iyagoo sheegay in baaritaan socdo isla markaana kiiska loo gudbin doono maxkamad.

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, kaas oo ku eedeysan dilka marxuum Cabdirisaaq Abukar Maxamed, oo ahaa wade mooto bajaaj.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka.

- Advertisement -

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka, isla markaana uu socdo baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta iyo sababaha ka dambeeyay dilka. Waxa kale oo ay xuseen in eedeysanaha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay inay ka go’an tahay xoojinta amniga iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku lug yeelata falalka lidka ku ah nabadgelyada shacabka, iyagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo sugo amniga guud.

Latest stories