HomeWararTaliyaha Booliiska oo Daah-furay Dib-u-Dayactirka Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis

Taliyaha Booliiska oo Daah-furay Dib-u-Dayactirka Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dib-u-dayactir ballaaran oo lagu sameeyay Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha Booliska degmada Cabdicasiis, Dhame Cismaan Gaab, ayaa soo dhoweeyay Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Taliyaha Qeybta Guud, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi, isaga oo warbixin guud ka siiyay xaaladda amniga degmada iyo howlaha uu saldhiggu bulshada u hayo.

- Advertisement -

Saldhigga Booliska ayaa lagu sameeyay isbeddel muuqda oo ka kooban dhismo cusub iyo dayactir dhammaystiran, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha Taliyaha Ciidanka Booliska Asad Cismaan ee lagu casriyeynayo xarumaha iyo adeegyada booliska ee dalka.

Mas’uuliyiinta ku sugnaa furitaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in bulshada loo helo adeeg amni oo hufan, halka dib-u-dhismahan cusubna uu kor u qaadi doono howlgalka ciidamada iyo adeega ay u qabtaan shacabka.

Latest stories