HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha guddigan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu muujinayo sida dalka uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo ammaan u jeediyay wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo horseed u ahayd diyaarinta sharci waafaqsan xeerarka iyo diinta isla markaana suurtageliyay dhismaha Guddigan.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Gudi u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.

Ugu dambayn, Madaxweynaha oo Alle uga baryey fududeynta howlaha xubnaha Guddigan, ayaa xusuusiyay mas’uuliyadda weyn ee looga fadhiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dowladnimada ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan.

Latest stories