HomeWararSoomaaliya iyo Marooko oo Saxiixday Heshiisyo Cusub

Soomaaliya iyo Marooko oo Saxiixday Heshiisyo Cusub

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Rabat kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Qurbajoogta Marooko, Nasser Bourita, iyaga oo ka hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka dhex maray labada wasiir ayaa lagu saxiixay tubta iskaashiga sanadaha 2026–2028, taas oo diiradda saaraysa kobcinta wadashaqeynta dhinacyada beeraha, biyaha, waraabka, kalluumeysiga, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiiyo, waxbarashada, tababarka xirfadaha, tacliinta sare, caafimaadka, ammaanka, maalgashiga, isbeddelka cimilada, ciyaaraha iyo dhaqanka.

- Advertisement -

Heshiiska ayaa sidoo kale kordhiyay tirada deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah ee ardayda Soomaaliyeed loo qoondeeyo, oo hadda gaaraya 120, kuwaas oo dabooli doona heerarka kala duwan ee jaamacadaha.

Soomaaliya iyo Marooko waxa ay sidoo kale saxiixeen heshiis ka dhaafaya baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, si loo fududeeyo socdaalka diblomaasiyiinta iyo booqashooyinka rasmiga ah.

Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo latashiyada siyaasadeed ee arrimaha heer gobol iyo caalami, iyaga oo ku heshiiyay in wadashaqayntu ay mideyn doonto aragtiyada labada dal, iyadoo la dhowrayo mabda’a nabadda, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed.

- Advertisement -

Sidoo kale, wasiirradu waxa ay carrabaabeen taageeradooda madax-bannaanida iyo qarannimada labada dal, isla markaana ay bogaadiyeen go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2797.


Latest stories