HomeWararGuddiga Doorashooyinka oo Kordhiyay Waqtiga Soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga Doorashooyinka oo Kordhiyay Waqtiga Soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Date:

Related stories

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

- Advertisement -

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta, 24-ka November 2025, kulan ku yeeshay xaruntiisa dhexe, waxaana shir-guddoomiyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga. Kulanka kadib, Guddigu wuxuu soo saaray go’aan ku saabsan muddada loo qabtay soo gudbinta liisaska murashaxiinta Golaha Deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Guddigu tixgeliyay laba arrimood oo muhiim ah:

- Advertisement -
  1. Codsiyo rasmi ah oo ka yimid qaar ka mid ah Ururrada Siyaasadda, kuwaas oo dalbaday waqti dheeri ah si ay u dhammeystiraan liisaskooda murashaxiinta.

  2. Baahida loo qabo in liisaska soo gudbaya ay noqdaan kuwo dhammaystiran oo si buuxda u waafaqsan shuruudaha sharciga ee ku cad Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Guddigu wuxuu go’aamiyay in laba toddobaad oo dheeri ah lagu daro jadwalkii hore. Waqtigan cusub wuxuu ka bilaabanayaa 26-ka November, waxaana uu ku egyahay 10-ka December.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, GMDQS wuxuu ogeysiiyay dhammaan Ururrada Siyaasadda in liisaska kama dambaysta ah lagu soo gudbiyo waqtiga cusub ee loo kordhiyay, balse aan wax kordhin kale jiri doonin.


Latest stories