HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse oo Furay Shirweynaha Labaad ee NIRA

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Furay Shirweynaha Labaad ee NIRA

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), oo sanadkan diiradda saaraya horumarinta nidaamka aqoonsiga qaranka iyo adeegyada casriga ah ee dadweynaha loogu qabto si bilaash ah.

Shirka, oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, wakiillo caalami ah iyo marti sharaf kale, ayaa lagu soo bandhigay guulaha dowladda ka gaartay ballaarinta adeegyada aqoonsiga ee muwaadiniinta Soomaaliyeed—kuwaas oo hadda si joogto ah 24/7 loogu adeego.

- Advertisement -

Maareeyaha NIRA, Mudane Abdiwali Timacadde, oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa ku sheegay in hay’addu muddadii ay shaqeynaysay ay diiwaangelisay in ka badan hal milyan oo qof, taas oo ka tarjumeysa horumar muuqda oo ka dhacaya dhismaha nidaamka casriga ah ee aqoonsiga qaranka. Wuxuu intaas ku daray in saddexda sano ee soo socda ay hay’addu qorsheyneyso inay diiwaangeliso 15 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, taas oo fure u noqon doonta adeegyo badan oo dowladda iyo gaarka loo leeyahay ay ku dhisan yihiin.

Shirkan oo soconaya laba maalin, waxaa lagu soo bandhigayaa doodo, cilmi-baarisyo iyo aragtiyo lagu xoojinayo kaabayaasha aasaasiga ah ee adeegsiga aqoonsiga qaranka. Sanadkan halkudhigga shirka ayaa ah:

Shirweynahan ayaa ka mid ah madalaha ugu muhiimsan ee lagu hormariyo adeegyada dowladda ee ku dhisan dijitaalka, iyadoo la dhisaya nidaam aqoonsi oo isku xiran, hufan, laguna kalsoonaan karo.

Latest stories