HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Soo Xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Soo Xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigay qorsheyaasha qaran ee dib-u-habeynta garsoorka, daadejinta adeegyada caddaaladda, guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo muhiimadda ilaalinta sareynta sharciga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in garsoor madax-bannaan oo hufan uu saldhig u yahay dowlad-dhisidda, amniga iyo xoojinta kalsoonida shacabka. Waxaa uu muujiyay in Dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka garsoorka dalka, lana xoojinayo hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo xaqiijiyo federaaleynta garsoorka.

- Advertisement -

Isagoo tusaale u soo qaatay horumarka muuqda, ayuu yiri:

“Garsoorkeenna inuu hormarsan yahay waxaa caddeyn u ah in muwaadiniin falal dambiyeed loo haystay oo dalka ka baxsaday ay Dowladda Federaalka, iyadoo kaashaneysa Interpol, dib ugu soo qabatay, dacwadahoodana ay ka socdaan dowlad-goboleedyadii dambiyada ay ka galeen.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dhammeystirka Dastuurka uu yahay furaha xasilloonida siyaasadeed, qeexidda awoodaha hay’adaha, hirgelinta nidaamka federaalka iyo dib-u-habeynta sharciyada dalka si ay ula jaanqaadaan dowlad-dhiska casriga ah. Waxa uu faray Xukuumadda in ay dardargeliso shaqooyinka hortebinta u leh tayeynta adeegga garsoorka.

- Advertisement -

Isagoo ka hadlayay muhiimadda Dastuurka ayuu yiri:

“Dastuurku waa saldhigga dhammaan xeerarka dalka, isaga ayaana ilaalinaya afkeena, dhaqankeena, diinteena iyo xuquuqda muwaadinka. Waa inaan ka dhabbeynaa ballantii ahayd dhammeystirka Dastuurka. Waxaan bogaadinayaa Baarlamaanka 11-aad oo noqday kii ugu firfircoon ee Jamhuuriyadda 3-aad.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladdu ay gaartay guulo muuqda oo ay ka mid yihiin:

Xaqiijinta amniga caasimadda

Horumarinta mashaariic waaweyn oo dhisme iyo adeegyo ah

Dhismaha garoomo diyaaradeed iyo ciyaaro

Kordhinta tirada ciidamada oo labo jibbaar ka badan tii hore

Tayeynta waxbarashada, oo ay ku jiraan 6,000 macallin oo shaqo la siiyay iyo qorshaha in la gaarsiiyo 10,000

Ballaarinta Waxbarashada Sare, oo ay ugu horreyso kobcinta Jaamacadda Ummadda

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee garsoorka ee dhismaha dimuqraadiyadda, gaar ahaan iyadoo dalka uu u diyaar garoobayo doorashada qof iyo cod. Waxa uu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in la helo hay’ado sharci iyo garsoor oo awood u leh ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, hufnaanta doorashada, iyo xaqiijinta in cod kasta si xor ah oo ammaan ah loo dhiibo.

Latest stories