HomeWararFarmaajo oo si adag uga hadlay xaaladda dalka xilligan

Farmaajo oo si adag uga hadlay xaaladda dalka xilligan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay kulan la qaatay xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad aad u cakiran.
Farmaajo ayaa tilmaamay in dalka ay ka jirto xaalad u dhiganta macaluushii 1992-dii (Caga Barar), islamarkaana ay jiraan dad maalmo gudahood hal mar wax cuna, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku saabsan dhulal dowladeed oo la wareegis ah, ayaa sheegay in tallaabadaasi ahayd mid aan sax ahayn, isla markaana uu ku baaqayo in gebi ahaanba la joojiyo.
Ugu dambayn, isagoo ka hadlay arrimaha doorashada, Farmaajo wuxuu xusay in dowladda ay ka hartay lix bilood, islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in la caddeeyo qaabka doorashada iyo waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo.

Latest stories