HomeWararSoomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka, waxaana heshiiska ka mid ah iskaashi ballaaran oo ay ka mid yihiin dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka, waxaana heshiiska ka mid ah iskaashi ballaaran oo ay ka mid yihiin dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Aljeeriya kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu uga mahadceliyay dhiggiisa Aljeeriya yabooha deeq waxbarasho oo gaareysa 500 oo arday oo ay ka faa’ideysan doonaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan takhasusyada muhiimka u ah Soomaaliya, sida Beeraha, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaanay hoggaanka Madaxweyne Tabbuun ee hirgelinta “Sanduuqa Iskaashiga iyo Midnimada Afrika,” isagoo sheegay inuu yahay hindise aragti fog leh oo xoojinaya wadajirka iyo horumarka qaaradda, islamarkaana Soomaaliya ay rajaynayso inay noqoto dal ka faa’iideysta sanduuqan.

Latest stories