HomeWararMas’uuliyiin xasaanad leh iyo maleeshiyaad lagu eedeeyay colaadda Wanlaweyn

Mas’uuliyiin xasaanad leh iyo maleeshiyaad lagu eedeeyay colaadda Wanlaweyn

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa degmada Wanlaweyn ku dhawaaqday inay bilaabi doonto soo bandhigista mas’uuliyiin xasaanad leh oo lagu eedeeyay inay si af iyo maal ah uga qeyb qaateen colaadaha iyo falalka amni-darrada ee ka dhacay deegaankaas iyo nawaaxigiisa.

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay rag loo haysto kiiska dilkii naxdinta lahaa ee loo geystay Marxuum Isxaaq Daa’uud, kaas oo si arxan darro ah loo dilay kadibna la gubay.

- Advertisement -

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay amartay ciidanka in ay nool ama geeri kusoo qabtaan maleeshiyaadkii ku lug lahaa dilalka, gubista iyo weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Yaaqbariweyne, si loo horgeeyo cadaaladda.

Saraakiisha dambi baarista ayaa sheegay in baaritaan ballaaran lagu wado cid kasta oo ku lug lahayd colaaddaasi, xitaa haddii ay yihiin mas’uuliyiin xil haya ama horey u soo qabtay xilal dowladeed, taas oo muujinaysa go’aanka adag ee dowladdu ku doonayso in lagu joojiyo falalka aano-qabiil iyo dilalka qorshaysan ee gobolka.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, iyadoo ku celisay in la marsiin doono ciqaab adag cid kasta oo lagu helo dambiyadaasi culus.

Latest stories