HomeWararMadaale: Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP Wuu Qarka u Saaran Yahay...

Madaale: Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP Wuu Qarka u Saaran Yahay Inuu Burburo

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo baxay xubno ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kuwaas oo sheegay in musharaxa rasmiga ah ee caasimadda uu yahay Muungaab. Madaale ayaa hadalkaas ku tilmaamay “nasiib-darro weyn”, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in xubno gaar ahi […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo baxay xubno ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kuwaas oo sheegay in musharaxa rasmiga ah ee caasimadda uu yahay Muungaab.

Madaale ayaa hadalkaas ku tilmaamay “nasiib-darro weyn”, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in xubno gaar ahi ay si madax-bannaan u magacaabaan musharax, maadaama uu xisbiga leeyahay nidaam iyo tartan gudaha ah oo lagu soo xulo musharaxiinta.

- Advertisement -

“Xisbiga JSP wuxuu leeyahay hannaan cad oo musharixiinta lagu soo xulo. Qof walba ma laha awood uu ku magacaabo musharax ka hor inta aan la marin nidaamka tartanka gudaha,” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale, Madaale ayaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu cadeeyo cidda ka dambeysay hadalkaas, islamarkaana uu bixiyo raalli-gelin rasmi ah.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP uu halis ugu jiro burbur, haddii aan la dhowrin nidaamka iyo kala dambeynta gudaha xisbiga.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Madaale ayaa ku adkeystay in la ixtiraamo tartanka iyo nidaamka xisbiga, isla markaana la joojiyo magacaabista musharixiinta inta aan la gaarin xilliga rasmiga ah ee tartanka.

Latest stories