HomeWararKoonfur Galbeed oo cambaareysay falka argagaxa leh ee ka dhacay degmada Wanla-weyn

Koonfur Galbeed oo cambaareysay falka argagaxa leh ee ka dhacay degmada Wanla-weyn

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Dowladd gobolledka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falka naxdinta leh ee lagu dilay qof shacab ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Dadumaay, duleedka degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Falkan gurracan ayaa lagu tilmaamay mid argagax leh oo ka soo horjeeda qiyamka bani’aadantinimo, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada. maamulka Koonfur Galbeed waxay sheegtay in aan la aqbali doonin falal noocan oo kale ah oo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida shacabka.

- Advertisement -

Sidoo kale, dowladda ayaa ku eedeysay kooxaha ka dambeeyay dhacdadan in ay yihiin cadawga nabadda iyo horumarka bulshada, iyadoo xustay in ay ka go’an tahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo si cadaaladda loo horkeeno cid kasta oo ku lug leh.

Dowladda gobolledka Koonfur Galbeed waxay ku adkeysay in cid kasta oo dambiga lagu helo aysan ka baxsan doonin sharciga, isla markaana la qaadi doono tallaabo adag oo lagu xaqiijinayo cadaaladda.

Waxaa kale oo dowladda ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qoyska marxuumka, iyadoo Alle uga baryeysa inuu u naxariisto, jannadiisana ka waraabiyo.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Dowladda Koonfur Galbeed waxay ugu baaqday shacabka inay ka feejignaadaan kooxaha amni-darrada abuura, ayna si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falal amni-xumo oo kale.

Latest stories