HomeTechnology & InnovationRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya 2025 (SIGF 2025)

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Muqdisho, 4 Nofembar 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya 2025 (SIGF 2025), oo sanadkan lagu qabanayo sannadkeedii saddexaad magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Midnimada Qaranka, isaga oo ku booriyey muhiimadda hab-maamul wadajir ah (Multistakeholder […]

- Advertisement -

Muqdisho, 4 Nofembar 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya 2025 (SIGF 2025), oo sanadkan lagu qabanayo sannadkeedii saddexaad magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Midnimada Qaranka, isaga oo ku booriyey muhiimadda hab-maamul wadajir ah (Multistakeholder approach) si loo gaaro siyaasad dhijitaal oo mideysa bulshada. Waxa uuna ugu baaqay shirkadaha Internet-ka in ay si caddaalad ah ugu wada faa’iideeyaan bulshada, kana fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka.

“Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka, waa in ay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool ah oo aan la tagi karno shirarka caalamiga ah ee tiknoloojiyadda looga hadlayo. Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba uu dambiile noqonayo, dadkeennu nasiib darro waxa ay u isticmaaleen si ka duwan sida caalamku u isticmaalo, waana waajib in arrintan wax laga beddelo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

- Advertisement -

Madashan oo socon doonta labo maalmood ayaa diiradda saareysa maamulka Internet-ka, amniga dhijitaalka, garaadka macmalka ah (AI), maamulka xogta, iyo xuquuqda dhijitaalka. Inta lagu guda jiro waxaa lagu soo bandhigi doonaa fadhi-doodyo heer sare ah, bandhigyo, iyo wareysi toos ah oo lagu falanqeynayo mustaqbalka dhijitaalka ee Soomaaliya.

Madasha waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo masuuliyiin kale oo bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo kaabayaasha dhijitaalka ah iyo maamulka Internet-ka ee dalka.

Madasha waxaa goob-joog ka ah masuuliyiin ka tirsan dawladda, shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bangiyada, iyo ururrada bulshada rayidka ah.

- Advertisement -

Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somalia IGF) waa madal sannadle ah oo ay iska kaashadaan daneeyayaal kala duwan sida dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, bahda waxbarashada, iyo bulshada rayidka, laguna falanqeeyo loogana tashado arrimaha maamulka Internet-ka iyo horumarinta mustaqbal dhijitaal ah oo ay Soomaalidu leedahay, laguna dhiirrigeliyo wada shaqeynta iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan horumarka dhijitaalka ah ee dalka.

liban
libanhttps://www.radiodalsan.com/
Liban Ali Gesey is an Editor at Dalsan Media Group with over three years of experience in journalism, digital media, photography, videography, and content production. Since joining the organization in June 2024, he has overseen the editing and publication of website content, specializing in politics and investigative journalism with a strong commitment to accurate, balanced, and impactful reporting on Somalia and the Horn of Africa. Beyond journalism, Liban is the founder of Inkfluence Copywriting, where he helps businesses and organizations grow through copywriting, brand storytelling, and digital marketing. He previously worked as a Digital News Editor and Website Content Producer and holds a Diploma in Broadcast Journalism from the Kenya Institute of Professional Studies (KIPS). Fluent in Somali, English, and Swahili, he combines editorial excellence with creative communication to deliver trusted and engaging content.

Latest stories