HomeWararGudoomiye Mungaab oo dowlada Imaaraatka Carabta kala wareegay Labo baabuur oo dab...

Gudoomiye Mungaab oo dowlada Imaaraatka Carabta kala wareegay Labo baabuur oo dab damis ah

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Gudoomiye Mungaab oo dowlada Imaaraatka Carabta kala wareegay Labo baabuur oo dab damis ah ayaa yiri ” Dalabkii aan u dirnay dowlada Imaaraatka si deg deg ah ayay nooga soo jawaabay”. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta Dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay laba gaari oo dab-damis […]

- Advertisement -

Gudoomiye Mungaab oo dowlada Imaaraatka Carabta kala wareegay Labo baabuur oo dab damis ah

ayaa yiri ” Dalabkii aan u dirnay dowlada Imaaraatka si deg deg ah ayay nooga soo jawaabay”.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta Dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay laba gaari oo dab-damis ah oo casri ah, kuwaas oo gacan ka gaysanaya gurmadka dabka dhismayaasha dhaadheer ka kaca.
Deeqdan ayaa qayb ka ah iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana ay ka dhalatay wadahadallo dhowaan uu Duqa Caasimadda la yeeshay Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, H.E. Ahmed Juma Mohamed Al Remeithi, oo diiradda lagu saaray kor-u-qaadista adeegyada bulshada, gaar ahaan dab-damiska iyo nadaafadda magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in uu rajaynayo in tallaabadani ay billow wanaagsan u noqoto iskaashi ballaaran oo u dhexeeya labada magaalo ee Abu Dhabi iyo Muqdisho, isla markaana kor u qaadi doonta awoodda Maamulka Gobolka Banaadir ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidka dab-damiska waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo mas’uuliyiin kale oo heerar kala duwan oo ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Iskaashigan ayaa muujinaya sida ay Dowladda Imaaraadka Carabta uga go’an tahay taageerida dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada, sida amniga, nadaafadda, iyo dab-damiska.

- Advertisement -

Muungaab wuxuu noqday mid kaalin mug leh ka qaata ansha Ciidanka Soomaaliya asigoo ka howlgalaya maxkamadda ciidamada.

27 Febraayo 2014, wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay. Waxaana qorshe loogu talo galay in amniga wax looga qabto kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu latashi la sameeyey, Raiisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabadullaahi Goodax Barre. Muungaab wxuu xilka kala wareegay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Lagasoo bilaabo markii uu, Muungaab xilka la wareegay wuxuu sameeyey isbedel dhammaan gudoomiye-yaashii degmooyinka. Horraantii bishii Maarso 2014, wuxuu la kulmay dhammaan gudoomiyayaasha gobolka banaadir. Kulanka dabadiis wuxuu u sheegay in wax alla wixii agab ah ee loo baahanyahay ay heli doonaan haba u badnaadeen xagga amniga. Sidoo kale isgoo balan qaaday in warqadaha aqooniga la bixin doono.

Abriil 2014, Muungaab wuxuu ku dhaqaay in uu soo gabagabeeyey dhamaan magacaabistii degmooyinka Gobolka Banaadir. Haydaha NGO iyo hayadaha dawladda wuxuu ugu baaqay in ayasan xirin wadooyinka dhagxaanatana ay ka qaadaan.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories