HomeWararSoomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025–2030)

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Muqdisho, Soomaaliya – 12ka Oktoobar 2025 – Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah si looga hadlo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030). Kulankan ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale […]

- Advertisement -

Muqdisho, Soomaaliya – 12ka Oktoobar 2025 – Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah si looga hadlo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030).

Kulankan ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta, si ay dib u eegis iyo turxaan bixin u sameeyaan khariidadda dhijitaalka ah ee dalka oo lagu horumarinayo koboc loo dhan yahay, hal-abuurnimo iyo adeegyo casri ah.

- Advertisement -

Mudane Mustafa Almahdi, oo ah Sarkaalka Barnaamijyada ee Xafiiska Carabta ee ITU, oo ka hadlay furitaanka, ayaa xaqiijiyay taageerada ITU ee aragtida dhijitaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta qaranka iyadoo loo marayo teknoolajiyadda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka Wadatashiga, ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay tahay calaamad muujinaysa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar dhijitaal oo waara, taasoo muujinaysa sida dalkeennu uga go’an tahay dhismaha nidaam dhijitaal ah oo adkeysi leh oo loo dhan yahay. Wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashi xooggan oo dhex-mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo bah-wadaagta horumarka si loo hirgeliyo loona sii wado waaritaankiisa.

Dhankiisa, Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali), Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdu uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha.

- Advertisement -

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee wada-tashigu socdo, ka-qaybgalayaashu waxay ka doodi doonaan aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda, iyo qorshaha hirgelinta, iyagoo xoogga saaraya qaab-dhismeedka maamul, hababka maalgelinta, iyo waafaqsanaanta istaraatiijiyadeed ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wada-tashigan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku xoojinayso maamulka dhijitaalka ah iyo dardar-gelinta horumarka dhijitaal ee loo dhan yahay.

Latest stories