HomeWararWasiirka Gaashaandhigga Sweden oo Booqasho Rasmi ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo Booqasho Rasmi ah Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo muujiyay muhiimadda ay dowladda […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Mudane Pål Jonson, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo muujiyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso xiriirka iskaashi ee ay la leedahay dowladda Sweden.

- Advertisement -

Booqashada Wasiirka Sweden ayaa ah mid qeyb ka ah dadaallada labada dal ay ku doonayaan in ay ku xoojiyaan iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo taageerada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Labada dowladood ayaa horey uga wada shaqeeyay dib-u-dhiska hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa qaabilsan difaaca iyo tababarka ciidamada.

Inta uu joogo Muqdisho, Wasiir Pål Jonson waxa uu kulamo rasmi ah la yeelan doonaa masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashi labada dal ee ku aaddan arrimaha difaaca, tababarka ciidamada, iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Safarkan ayaa ah mid muujinaya xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden, waxaana diiradda la saarayaa dhisidda nabad waarta, taageerada ciidamada qalabka sida, iyo horumarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa ku bogaadisay Sweden doorkeeda firfircoon ee taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidamada iyo horumarinta hay’adaha amniga.

Latest stories