HomeWararDowladda Soomaaliya oo cambaareyneysa falal amni-darro oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo cambaareyneysa falal amni-darro oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falal lagu khalkhal gelinayey amniga caasimadda, kuwaas oo ay ku kacaan xubno siyaasiyiin ah kuwaas oo isku dayay in ay si xoog ah ula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda, magaalada Muqdisho. Dowladdu waxay si qoto dheer uga xun tahay in siyaasiyiin doonaya in ay xilka […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falal lagu khalkhal gelinayey amniga caasimadda, kuwaas oo ay ku kacaan xubno siyaasiyiin ah kuwaas oo isku dayay in ay si xoog ah ula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda, magaalada Muqdisho.

Dowladdu waxay si qoto dheer uga xun tahay in siyaasiyiin doonaya in ay xilka dalka qabtaan ay ku kacaan ficillo keeni kara fawdo, dhiig daata, iyo dhaawac loo geysto shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huray difaaca qaranka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

- Advertisement -

Waxaan si cad u muujinaynaa in mas’uuliyadda wixii maanta ka dhacay Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ay dusha u saaran tahay cid kasta oo si bareer ah ugu xadgudubtay jiritaanka dowladnimada, kala dambeynta, iyo shuruucda dalka u degsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dhammaan siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee ku hawlan falalka amni-darrada ah in ay si degdeg ah uga waantoobaan ficilladaasi, una hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale caddeyneysaa in ay si buuxda uga go’an tahay:

- Advertisement -
  • Ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta,

  • Sugidda bedqabka shacabka iyo hantidooda,

  • In lala xisaabtamo cid kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo xasilloonida qaranka.

Latest stories