HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Dhismahan casriga ah ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doona horumarinta adeegyada waxbarasho ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha cusub uu astaan u yahay dadaalka dowladda ee lagu tayeynayo adeegyada […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Dhismahan casriga ah ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doona horumarinta adeegyada waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha cusub uu astaan u yahay dadaalka dowladda ee lagu tayeynayo adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, taas oo uu ku tilmaamay tiirka ugu weyn ee horumarka qaranka.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad. Waxaa la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan. Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay Wasaaradda Waxbarashada ugu fadhido dowladda, maadaama ay hagto barbaarinta ubadka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay wax bartaan. Waxa uu tilmaamay in dowladdu ay mas’uul ka tahay hagaajinta goobaha waxbarashada iyo bixinta adeeg tayo leh oo la jaan qaada horumarka caalamka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegyada waxbarashada dalka, ilaalinta xogta ardayda iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.

Latest stories