HomeWararXildhibaanada Mucaaradka oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe in...

Xildhibaanada Mucaaradka oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe in ay afduubteen Baarlamaanka

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Xildhibaano ka tirsan Golaha Samata-bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku cambaareeyay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ku sheegay mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka. Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe inay ku guuldarreysteen ilaalinta dastuurka, taas oo dhalisay khilaaf siyaasadeed, musuq-maasuq, iyo […]

- Advertisement -

Xildhibaano ka tirsan Golaha Samata-bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku cambaareeyay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ku sheegay mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka.

Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe inay ku guuldarreysteen ilaalinta dastuurka, taas oo dhalisay khilaaf siyaasadeed, musuq-maasuq, iyo kala qaybin bulsho.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka ayaa bulshada Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka loogu baaqay in aysan aqoonsan natiijooyinka ka soo baxa kalfadhigan, ayna cadaadis ku saaraan hoggaanka dowladda iyo baarlamaanka si loo ilaaliyo dastuurka iyo nidaamka dowladnimo.

Golaha Samata-bixinta ayaa sidoo kale ku sheegay in fashilka kalfadhiga 7-aad uu caddeyn u yahay in Baarlamaanka Soomaaliyeed uusan ka shaqeyneyn danaha shacabka, isla markaana ay lama huraan tahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo sharciga iyo dimuqraadiyadda dalka.

Latest stories