HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Sharaxay Kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sharaxay Kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay doorashada Soomaaliya ee xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay guul taariikhi ah oo xoojinaysa kaalinta dalka ee difaaca arrimaha gobolka iyo caalamka. Madaxweynaha oo wareysi siiyey telefishinka Al-Arabiya ayaa xusay in Soomaaliya markii ugu horreysay ku fadhiday Golaha Ammaanka sanadkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay doorashada Soomaaliya ee xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay guul taariikhi ah oo xoojinaysa kaalinta dalka ee difaaca arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha oo wareysi siiyey telefishinka Al-Arabiya ayaa xusay in Soomaaliya markii ugu horreysay ku fadhiday Golaha Ammaanka sanadkii 1972-kii, halka ay tani tahay markii labaad ee dalka la doorto. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ka qeyb qaadan doonto doodo badan oo Golaha ka socda, iyadoo metelaysa Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

- Advertisement -

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya si cad uga taagan tahay difaaca qadiyadda Falastiin, isla markaana ay wakiil ka tahay dalalka Islaamka iyo kuwa nugul ee wajahaya caqabadaha amni ee la midka ah kuwii Soomaaliya soo martay.

“Soomaaliya waa dal yar oo leh ajende caalami ah oo kooban, balse dhexdhexaad ah, mana taageerto koox ka dhan ah mid kale. Joogitaankeennu Golaha Ammaanka wuxuu ujeedkiisu yahay inaan u adeegno danaha shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka aanu matalno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts