HomeWarar"Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta oo maanta ka furmaya Qadar, iyadoo la...

“Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta oo maanta ka furmaya Qadar, iyadoo la filayo go’aanno culus”

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha hoggaamiyeyaasha wadamada Islaamka iyo Carabta, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay gudaha Qadar iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaasi. Shirkan oo indhaha caalamka oo dhan kusii jeedaan, ayaa lagu wadaa in dalalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha hoggaamiyeyaasha wadamada Islaamka iyo Carabta, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay gudaha Qadar iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaasi.

Shirkan oo indhaha caalamka oo dhan kusii jeedaan, ayaa lagu wadaa in dalalka Islaamka iyo Carabta ay si buuxda u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan weerarrada Israa’iil iyo in la qaato go’aan mideysan oo jawaab adag ah.

- Advertisement -

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa, isagoo halkaas kaga qaybgalaya shirweynaha. Inta uu socdo shirka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qaybgalaya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh uu caddeynayo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ku yeelato arrimaha Islaamka iyo kuwa Carabta, gaar ahaan xoojinta midnimada iyo wadajirka.

Shirka maanta furmay ayaa waxaa ka horeeyay kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu falanqeeyay weerarkii Israa’iil ay ka geysatay magaalada Dooxa iyo xaaladda guud ee dalalka Carabta, oo muddo dheer aan tallaabo mideysan ka qaadin xasuuqa ka socda Qasa.

- Advertisement -

Waxaa hadda si weyn loo sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ay kasoo saari doonaan duqeyntii Israa’iil ku qaaday gudaha dalka Qatar, gaar ahaan xubnihii Ururka Xamaas ee halkaasi ku sugnaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts