HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaatay Amiirka Qadar

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaatay Amiirka Qadar

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Doha kulan muhiim ah kula yeeshay Amiirka Qadar, Mudane Tamim bin Xamad Al Thani. Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiirka Qadar mowqifka cad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan marnaba la aqbali karin wax kasta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Doha kulan muhiim ah kula yeeshay Amiirka Qadar, Mudane Tamim bin Xamad Al Thani.

Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiirka Qadar mowqifka cad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan marnaba la aqbali karin wax kasta oo lagu xadgudbayo madaxbannaanida, sharafka iyo amniga dalka Qadar.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday sida Soomaaliya iyo Qadar ay ugu mideysan yihiin walaaltinimada, taageerada iyo iskaashiga, taas oo ka tarjumaysa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Dhankiisa, Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya taageerada walaalnimo ee shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen dalka Qadar. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Kulankan ayaa loo arkaa mid sare u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar, isla markaana xoojinaya mowqifyada labada dal ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo amniga guud ee gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts