Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray digniin adag oo ku saabsan sumcad-dilka iyo aflagaadada madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii gacanta lagu soo dhigay dhallinyaro baraha bulshada ku faafinayay muuqaallo iyo qoraallo dhaawacaya sharafta qaranka iyo madaxdiisa.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Gashaanle Cabdi Fitaax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in cid kasta oo ku kaca falalka sumcad-xumeynta iyo aflagaadeynta madaxda qaranka, ama ku xadgudubta diinta iyo dhaqanka, sharciga la horgeyn doono.
“Cid kasta oo isticmaasha baraha bulshada waxaa la farayaa inay ka feejignaadaan waxyaabaha xadgudubka ku ah diinteenna suuban iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Qof kasta oo maanta kadib lagu arko falalkaas, sharciga ayaa lagu dabaqi doonaa,” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in Booliiska Soomaaliyeed ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada baraha bulshada, isla markaana ay ka go’an tahay in la sugo anshaxa iyo ilaalinta sharafta qaranka. Wuxuu u mahadceliyay Taliska Guud ee Booliiska, isagoo sheegay inay guulo ka gaareen soo qabashada eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay aflagaado iyo anshax xumo, kuwaas oo hadda ku jira gacanta sharciga isla markaana loo gudbin doono hay’adaha cadaaladda.
Digniinta maanta kasoo baxday Booliiska ayaa soo baxaysa iyadoo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ay horey uga digtay dadka adeegsada baraha bulshada si ay ugu faafiyaan hadallo iyo muuqaallo ka hor imanaya sharciga iyo anshaxa guud ee bulshada. Xeer Ilaalintu waxay caddeysay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kaca falalkaas, iyada oo lagu wargeliyay shacabka inay ka digtoonaadaan ficillo wax u dhimi kara sumcadda qaranka iyo wadajirka bulshada.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta anshaxa guud iyo ilaalinta karaamada madaxda qaranka, iyadoo loo marayo sharci iyo hannaan waafaqsan dastuurka iyo qiyamka diinta Islaamka.
