maanta waxaa weli socda uruurinta meydadka kooxda Al-Shabaab ee shalay weerar gaadmo ah ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhinacyada magaalada ka wada howlgal ballaaran, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo in la ciribtiro khatar kasta oo ka hartay weerarkii dhacay.
Ciidamada dowladda, oo kaashanaya shacabka deegaanka, ayaa sidoo kale sameynaya baaritaanno iyo dhaqaaq ciidan lagu raadraacayo xubnihii Al-Shabaab ee dagaalka ka baxsaday, kuwaas oo la sheegay inay ku carareen dhabbaha miyiga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in baacsiga kooxaha weerarka soo qaaday uu wali socdo, iyadoo lagu ballan qaaday in aysan dhamaan doonin ilaa gebi ahaanba laga takhaluso khataraha ku harsan gobolka Galgaduud.
Dhanka kale, qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay dagaalkii shalay ayaa saaka loo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana lagu dabiibayaa Isbitaalka Xoogga Dalka, halkaas oo xaaladooda caafimaad si dhow loola socdo.
