Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa ku dhawaaqay in ay dileen horjoogihii amniyaadka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, kadib howlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.
Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Show, waxaana lagu beegsaday Xuseen Cabdullaahi Dalab, oo loo yaqaan “Caamir,” kaas oo muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ka dambeeyay qorsheynta iyo fulinta falal argagixiso oo ka dhacay Hirshabeelle.
War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Caamir uu ka mid ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyada iyo weerarrada lagu qaaday shacabka iyo ciidamada dowladda, isagoo si toos ah uga qayb qaatay falal dhiig badan ku daatay.
NISA waxay tilmaantay in dilka Caamir uu yahay guul muhiim ah oo lagu wiiqayo shabakadaha Al-Shabaab, isla markaana carqaladeynaya isku xirka iyo sahayda kooxda ee bartamaha iyo koonfurta dalka.
Taliska NISA ma soo bandhigin sawirro ama muuqaallo caddeynaya dilka horjoogahan, balse waxay sheegeen in howlgalku ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, islamarkaana aan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamadii fuliyay.
Maalmihii u dambeeyay, ciidamada NISA ayaa kordhiyay howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha Al-Shabaab, taasoo qeyb ka ah dagaalka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ballan qaaday in lagu cirib tiro argagixisada dalka ka jirta.
