Ciidamada difaaca Puntland ayaa hawlgal qorsheysan oo xooggan ka fuliyay togga Baallade, oo ku yaalla Koonfur Bari magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku burburiyeen difaacyo adag oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish. Hawlgalkan ayaa la sheegay inuu socday in ka badan 12 saacadood, isagoo ahaa mid ka mid ah kuwa ugu culus ee dhowaan ka dhaca gobolka Bari.
Bayaanka kasoo baxay hawlgalka ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay dagaalyahanno badan oo ka tirsanaa Daacish, halka qaar kalena ay goobta ka firxadeen. Ciidamadu waxay sheegeen in raad-raac adag lagu hayo xubnaha baxsadka ah, iyadoo la isku dayayo in mid kasta lagu helo meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuumaaleystaan. “Firxadkii argagixisada waa wax la laayey iyo wax lagu daba joogo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka hawlgalka.
Hawlgalka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa dharinta Carabi iyo Kal-Idaad ee ku yaalla togga Baallade, halkaas oo kooxda Daacish ay muddooyinkii dambe ka dhisanayeen difaacyo iyo godad ay ku dhuuntaan. Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay burburiyaan goobahaasi, taas oo hoos u dhigtay awoodda kooxda ee deegaankaas.
Dhanka kale, cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa hawlgal kale ka sameeyay ceelasha Aleelooyin ee buuraha Calmiskaad. Halkaas ayay ku dileen xubno kale oo Daacish ah oo ka soo baxsaday dagaalkii Baallade, iyaga oo gacanta ku dhigay ceelashii Aleelo yar iyo Aleelo weyn. Ceelashaas ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba laga sifeeyay argagixisada, waxaana gacanta dowladda ku soo noqday dhamaan goobihii ay kooxdaasi ka hawlgeli jirtay.
Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in hawlgalladan ay qayb ka yihiin dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ka howlgala buuraha Calmiskaad iyo deegaannada ku dhow. Waxa kale oo ay xuseen in ciidamada Puntland ay ka go’an tahay in aysan u oggolaan kooxda Daacish iyo kuwa kale ee la midka ah inay ka sameystaan deegaan saldhig u noqda khatar amni oo ka dhan ah shacabka.
