Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa ka qeyb galay kulanka 164-aad ee Wakiillada Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad muhiim ah.
Danjiraha ayaa uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta iyo Wakiillada dalalka xubnaha ka ah taageerada ay u muujiyeen codsiga Soomaaliya ee ku saabsan cafinta deynta isgaaray muddo 38 sano ah oo aan la bixin. Go’aanka madashu ku ansixisay ayaa dhigay in la cafiyo 75% deymahaasi,
Danjire Awaare ayaa tallaabadan ku qeexay guul taariikhi ah oo ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ay ka miradhalisay dadaalladii joogtada ahaa ee ay ku bixisay arrintan, si waafaqsan jihaynta iyo hagidda Madaxda Qaranka.
