HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay xubno Al-Shabaab ka tirsanaa

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay xubno Al-Shabaab ka tirsanaa

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Maaxi Yoonis” iyo Ibraahim Aadan Maadeey. Ragga la toogtay ayaa ka tirsanaa qeybaha Jabhadaha iyo dilalka gaadmada ah, waxaana lagu helay dambiyo culus oo ay Muqdisho ka […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Maaxi Yoonis” iyo Ibraahim Aadan Maadeey.

Ragga la toogtay ayaa ka tirsanaa qeybaha Jabhadaha iyo dilalka gaadmada ah, waxaana lagu helay dambiyo culus oo ay Muqdisho ka fuliyeen, kuwaas oo lagu beegsaday shakhsiyaad muhiim ku dhex lahaa bulshada.

- Advertisement -

Xukunkaan ayaa imaanaya maalmo kaddib markii isla maxkamaddu dil toogasho ku fulisay xubno kale oo Al-Shabaab ka tirsanaa, kuwaas oo sidoo kale lagu helay dilal qorsheysan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa weli gacanta ku haysa xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo horey loogu xukumay dil, kuwaas oo lagu wado in dhawaan xukunka lagu fuliyo.

Latest stories