HomeWararLaascaanood: Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari oo Maanta Dhaceysa

Laascaanood: Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari oo Maanta Dhaceysa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaddib markii xalay si rasmi ah loo soo gebagebeeyay diiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilalka guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa. Guddiga Doorashada Golaha Wakiillada ayaa shaaciyay liiska musharaxiinta buuxiyay shuruudaha dastuuriga ah, kuwaas oo kala ah: Musharaxiinta Guddoomiyaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaddib markii xalay si rasmi ah loo soo gebagebeeyay diiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya xilalka guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.

Guddiga Doorashada Golaha Wakiillada ayaa shaaciyay liiska musharaxiinta buuxiyay shuruudaha dastuuriga ah, kuwaas oo kala ah:

- Advertisement -

Musharaxiinta Guddoomiyaha

  • Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan (#83)

  • Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed (#76)

    - Advertisement -

Musharaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad

  • Axmed Maxamed Axmed (#17)

  • Amran Axmed Xasan (#11)

Musharaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad

  • Cabdiriisaaq Jaamac Warsame (#49)

Doorashadan ayaa loo arkaa mid xiiso gaar ah leh, maadaama ay kusoo beegantay xilli la isku diyaarinayo tartanka madaxtinimada maamulka Waqooyi Bari oo dhawaan ka dhici doona isla magaalada Laascaanood.

Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa tilmaamaya in natiijada doorashada guddoonka baarlamaanka ay saamayn weyn ku yeelan karto jihada iyo loolanka siyaasadeed ee madaxtinimada maamulka.

Waxaa la filayaa in maanta xildhibaanadu u codeeyaan musharaxiinta, iyadoo tartanka ugu adag lagu sheegay kuraasta guddoomiyaha, halkaas oo labada musharax ee kasoo kala jeeda gobolka Sool ay si toos ah ugu hardamayaan hoggaanka baarlamaanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts