HomeCaalamkaWariye ka tirsan Al Jazeera oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Qasa

Wariye ka tirsan Al Jazeera oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Qasa

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wariye caan ah oo ka tirsan Telefishinka Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar, Anas al Sharif, ayaa ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil ka fulisay magaalada Qasa, taas oo sidoo kale ay ku dhinteen afar qof oo ka mid ahaa saaxiibbadiis shaqada. Weerarka ayaa ka dhacay teendho u dhow isbitaalka al Shifa, halkaas oo uu […]

- Advertisement -

Wariye caan ah oo ka tirsan Telefishinka Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar, Anas al Sharif, ayaa ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil ka fulisay magaalada Qasa, taas oo sidoo kale ay ku dhinteen afar qof oo ka mid ahaa saaxiibbadiis shaqada.

Weerarka ayaa ka dhacay teendho u dhow isbitaalka al Shifa, halkaas oo uu Anas al Sharif ka tabinayay dagaalka ka socda Qasa, gaar ahaan waqooyiga magaalada. Israa’iil ayaa ku eedeysay in uu ka tirsanaa Xamaas, balse isaga iyo Al Jazeera ayaa si cad u beeniyay eedeyntaasi.

- Advertisement -

Dhowaan, al Sharif ayaa shaaca ka qaaday in uu wajahayo aflagaado iyo hanjabaado uga imaanaya mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah. Tifaftiraha sare ee Al Jazeera, Maxamed Moawad, ayaa u sheegay in kanaalkoodu uu weli yahay mid ka mid ah warbaahinta yar ee ka warbixisa xaaladda Qasa, inkastoo ay si joogto ah u luminayaan saaxiibadood iyo qoysaskooda.

Warbixinnada hay’adaha warbaahinta ayaa muujinaya in duqeymaha Israa’iil lagu dilay ku dhowaad 200 suxufi tan iyo markii dagaalku bilowday.

Latest stories