HomeWararXukuno Dil ah oo Lagu Fuliyay Shaqsiyaad Ku Lug Lahaa Dilal Ka...

Xukuno Dil ah oo Lagu Fuliyay Shaqsiyaad Ku Lug Lahaa Dilal Ka Dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo horey loogu ridday saddex eedeysane oo lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan, iyo ka mid ahaanshaha kooxda Alshabaab. Ragga la toogtay ayaa kala ahaa: Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye) Cabdi Xassan Rooble […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo horey loogu ridday saddex eedeysane oo lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan, iyo ka mid ahaanshaha kooxda Alshabaab.

Ragga la toogtay ayaa kala ahaa:

- Advertisement -
  • Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye)

  • Cabdi Xassan Rooble (Afeey)

  • Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka)

    - Advertisement -

Saddexdan eedeysane ayaa lagu helay in ay si toos ah uga tirsanaayeen kooxda Alshabaab, islamarkaana ay ka qeyb qaateen falal amni-darro oo ka dhacay gudaha Caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose. Dembiyada lagu helay waxaa ka mid ahaa dilal qorsheysan oo lagu beegsaday dad shacab ah iyo saraakiil ciidan.

Maxkamadda ayaa markii hore ku ridday xukun dil ah kadib markii ay cadaato dambiyada ay galeen, iyadoo la marsiiyay dhammaan marxaladihii garsoor ee sharciga waafaqsan. Goobta lagu fuliyay xukunka dilka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida iyo qaar ka mid ah ehelada dadkii ay eedeysanayaashu dileen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta cadaaladda, iyadoo caddeysay in ciddii ku lug yeelata falal ka dhan ah amniga qaranka lala xisaabtami doono.

Latest stories