HomeWararDFS oo Digniin Adag u Dirtay Shaqsiyaadka Hurinaya Xasilooni-darrada Gobolka Gedo

DFS oo Digniin Adag u Dirtay Shaqsiyaadka Hurinaya Xasilooni-darrada Gobolka Gedo

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada xasilooni-darrada ah ee weli ka socda Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan xubno qaswadayaal ah oo uu amar siiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Qoraal rasmi ah oo ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada xasilooni-darrada ah ee weli ka socda Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan xubno qaswadayaal ah oo uu amar siiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xubnahan ay wadaan abaabul dagaal iyo marin habaabin bulshada si ay u qariyaan dambiyo la xiriira falal amni-darro oo horey uga dhacay gobolka. Waxaa si gaar ah loogu xusay qoraalka in Maxamuud Sayid Aadan uu ka mid yahay shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyadaas, isagoo horey gacanta ugu lahaa falal lid ku ah amniga gobolka.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa xustay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya shacabka deegaanka, ay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, xasiloonida, iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deganaanshaha gobolka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga ayaa si adag uga digtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha ku hawlan hurinta colaadaha siyaasadeed iyo amni-darro. Dowladda Federaalka ayaa caddeysay in dhaqdhaqaaqyadooda si dhow loola socdo, isla markaana lala xisaabtami doono haddii ay sii wadaan falalkaas liddi ku ah dowladnimada iyo nabadgelyada guud.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts