HomeWararWasaaradda Gaashaandhigga oo Bogaadisay Baaritaanka Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ee La...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Bogaadisay Baaritaanka Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ee La Dagaallanka Dhaqaalaha Argagixisada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dadaalka muuqda ee uu qaaday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo lagu baadhay in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin si toos ah u taageeraysay kooxda Al-Shabaab. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda qaran ee dowladda Federaalka ku […]

- Advertisement -

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dadaalka muuqda ee uu qaaday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo lagu baadhay in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin si toos ah u taageeraysay kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda qaran ee dowladda Federaalka ku wiiqayso awoodaha milatari, dhaqaale iyo fikir ee kooxda . Sida lagu xusay warbixin rasmi ah, baaritaannadaasi waxay si qoto dheer u eeggeen in ka badan 3,500 akoon bangiyeed, iyadoo la xannibay hanti gaareysa $1 milyan oo doolar, taas oo ah guul muuqata oo laga gaaray la-dagaallanka maaliyadeed ee Alshabaab.

- Advertisement -

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay dhammaan hay’adaha dowladda ee door muuqda ka qaatay baaritaannadan, iyadoo tilmaantay in dadaalladaasi ay si toos ah u taageerayaan howlgallada geesinimada leh ee ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo laamaha kale ee amniga.

“Dagaalka lagula jiro Alshabaab ma ahan oo kaliya mid xabado lagu wajahayo, ee waa halgan ballaaran oo heer qaran ah. Waa in lala dagaallamaa dhaqaale ahaan, fikir ahaan iyo bulsho ahaanba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasaaraddu waxay xustay in dadaallada noocan oo kale ah ay muujinayaan biseylka hay’adaha dowliga ah ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ayna sii laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan hay’adaha amniga iyo sharciga.

- Advertisement -

 

Latest stories