HomeWararCiidanka DFS oo saaka xiray Suuqa Siinaay iyo Barakac hor leh oo...

Ciidanka DFS oo saaka xiray Suuqa Siinaay iyo Barakac hor leh oo socda

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka burburin ka bilaabay Xaafada Suuqa Siinaay ee Muqdisho oo maalmahan ay ka taagneed xiisad xooggan, taasi oo u dhexeysay ciidamada DFS iyo ciidan uu watay Xildhibaan Yaasiin Farey.

Sida ay sheegayaan Dad ku sugan agagaarka Siinaay, shacabka deegaanka ayaa loo oggolaaday inay alaabtooda kala baxaan guryahooda, iyadoo la arkayo dad si degdeg ah u daad-gureynaya hanti gaar ah.

- Advertisement -

Hawlgalka ayaa si rasmi ah u billowday xalay abbaaro 3:00 habeenimo, markaas oo dowladda federaalka ah ay xirtay dhammaan waddooyinka gala xaafadda. Saaka aroortii hore, waxaa la arkayay cagafo waaweyn oo dul istaagay gudaha xaafadda, taas oo muujinaysa in dowladda ay u dhaqaaqday fulinta qorshe muddo laga baaraan degayay.

Ciidamada dowladda ayaa si weyn ugu daadsan waddooyinka waaweyn iyo laamiga xaafadda, iyadoo tirada ciidamada ay aad uga badantahay shacabka weli ku sugan gudaha Siinaay.

Latest stories