HomeWararWaa Sidee Xaallada Suuq Bacaad kadib dabkii ka kacay?.

Waa Sidee Xaallada Suuq Bacaad kadib dabkii ka kacay?.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waxaa ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo dab xoogan oo saacado badan ka kacayay Suuq Bacaad, oo ah suuqii labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, kuna yaalla degmada Yaaqshiid. Dabka oo billowday abaare 5-tii galabnimo ee shalay ayaa si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, gaar ahaan qaybta lagu […]

- Advertisement -

Waxaa ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo dab xoogan oo saacado badan ka kacayay Suuq Bacaad, oo ah suuqii labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, kuna yaalla degmada Yaaqshiid.

Dabka oo billowday abaare 5-tii galabnimo ee shalay ayaa si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo maacuunta, taasoo gebi ahaanba gubatay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hal gabar yar ay ku dhimatay dabkaasi, iyadoo ay jiraan burbur hantiyadeed oo baaxad leh, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin qasaaraha rasmiga ah ee hantiyeed.

- Advertisement -

Saaka aroortii, boqolaal qof oo isugu jira ganacsato iyo dad shacab ah ayaa buux dhaafiyay suuqa, iyaga oo qiimeynaya khasaaraha ka soo gaaray hanti ahaan.

Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee dabka, hase yeeshee baadhitaanno ayaa lagu wadaa in lagu ogaado waxa sababay gubashada suuqa.

Latest stories