HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq. Madaxweynaha ayaa safiirrada uga mahadceliyay doorkooda diblomaasiyadeed, isagoo u hambalyeeyay ku soo biirista safka danjireyaasha caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya. Wuxuu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa safiirrada uga mahadceliyay doorkooda diblomaasiyadeed, isagoo u hambalyeeyay ku soo biirista safka danjireyaasha caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya. Wuxuu xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo horumarka guud ee dalalkaasi iyo Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay safiirrada cusub in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi waxtar leh oo dhexmara labada dhinac, isagoo si cad u muujiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si diirran u soo dhaweynayaan, ulana shaqeyn doonaan.

Safiirrada waraaqaha aqoonsiga la guddoonsiiyay maanta waa:

  • Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya

    - Advertisement -
  • Robert Ifriyie – Safiirka Ghana

  • Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast

  • Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico

  • Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela

  • Kang Hyundshik – Safiirka Korea

  • Hussein Deh – Safiirka Mauritania

  • Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq

Latest stories