HomeWararDFS oo Fashilisay Boqolaal Kiis oo La Xiriira Lacag Dhaqid iyo Maalgelin...

DFS oo Fashilisay Boqolaal Kiis oo La Xiriira Lacag Dhaqid iyo Maalgelin Argagixiso

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in la burburiyay in ka badan 250 kiis oo ku saabsan lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shabakado maaliyadeed oo ka shaqeynayay gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Warbixinta xafiiska ayaa lagu sheegay in la xiray in ka badan 3,500 akoonti bangi oo si sharci darro ah loogu adeegsan jiray maalgelinta kooxaha argagixisada. Tallaabooyinkan ayaa horseeday in la qabto hal milyan oo doolar ($1,000,000), taas oo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya si loogu xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo maalgelinta argagixisada.

- Advertisement -

Sidoo kale, xafiisku wuxuu fashiliyey isku day lagu doonayay in nus milyan oo doolar ($500,000) lagu wareejiyo kooxo argagixiso ah, taasoo laga hortagay kahor inta aan la fulin.

Dhinaca kale, 13 qof ayaa lagu xukumay dembiyo la xiriira lacag dhaqid iyo taageerid argagixiso, halka in ka badan 50 kiis kale ay weli socdaan, iyadoo eedeysanayaal qaarkood ay baxsad yihiin. Xafiiska ayaa sheegay in lala kaashanayo Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL si loo soo qabto dadkaas baxsadka ah.

Latest stories