HomeWararMusharraxiinta Waqooyi Bari oo Ka Digay Faragelin Lagu Hayo Doorashada Maamulka Cusub

Musharraxiinta Waqooyi Bari oo Ka Digay Faragelin Lagu Hayo Doorashada Maamulka Cusub

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen qaabka loo wado doorashada maamulka cusub ee gobolka. Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiir Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay […]

- Advertisement -

Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen qaabka loo wado doorashada maamulka cusub ee gobolka.

Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiir Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay ku eedeeyeen inuu si toos ah u faragelinayo hannaanka doorashada, isla markaana uu taageerayo koox gaar ah si ay ula wareegaan maamulka gobolka.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddiga uu magacaabay Wasiirka ee hubinta iyo ansixinta xildhibaanada aanu sharciyad buuxda lahayn, isla markaana uu u adeegayo dano gaar ah. Musharraxiintu waxay sheegeen in tallaabadan ay dhaawacayso kalsoonida bulshada ee geeddi-socodka doorashada, isla markaana ay halis u tahay in ay abuurto khilaaf bulsho iyo burbur siyaasadeed.

“Uma dulqaadan doonno hannaan doorasho oo marin habaabin ah, una adeegaya musharrax gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay ku baaqeen in doorashada lagu qabto si daahfuran, dastuur waafaqsan, oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Waqooyi Bari.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen isimada dhaqanka, culimada, iyo hoggaanka bulshada in ay si firfircoon uga qeyb qaataan ilaalinta midnimada bulshada iyo xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah.

- Advertisement -

Ugu dambeyntiina, musharraxiintu waxay ka codsadeen beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha siyaasadeed in aysan aqbalin hannaan doorasho oo laga leeyahay dano gaar ah, ayna taageeraan geeddi-socod doorasho oo hufan, laguna kasban karo kalsoonida shacabka.

Latest stories