HomeCaalamkaKumanaan Tahriibayaal ah oo Doon kula Degay Xeebaha Yemen

Kumanaan Tahriibayaal ah oo Doon kula Degay Xeebaha Yemen

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ugu yaraan 60 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay, halka tiro kale la la’yahay, kadib markii doon ay saarnaayeen ku dhowaad 150 qof ay ku degtay xeebaha gobolka Abyan ee Koonfurta Yemen, Axaddii, xilli ay jirtay cimilo aad u xun. Madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM) ayaa sheegay in la helay meydadka 68 qof, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 60 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay, halka tiro kale la la’yahay, kadib markii doon ay saarnaayeen ku dhowaad 150 qof ay ku degtay xeebaha gobolka Abyan ee Koonfurta Yemen, Axaddii, xilli ay jirtay cimilo aad u xun.

Madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM) ayaa sheegay in la helay meydadka 68 qof, halka 12 kale la badbaadiyay. Tobanaan kale ayaa wali lagu la’yahay badda, waxaana socda dadaallo gurmad ah.

- Advertisement -

Warbixinta IOM ayaa tilmaamaysa in inta badan dadka doontu la degtay ay kasoo jeedeen dalka Itoobiya, iyadoo dhacdadan lagu tilmaamay mid murugo badan oo dib u muujinaysa qatarta tahriibka badda.

Yemen ayaa weli ah marin muhiim ah oo ay isticmaalaan muhaajiriinta kasoo hayaama Geeska Afrika, kuwaasoo u sii socda dalalka Khaliijka Carabta iyagoo raadinaya nolol iyo shaqo. Hay’addu waxay sheegtay in boqollaal qof ay ku dhinteen ama la la’yahay doonyo ku rogmaday badda intii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts