HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Toogasho ku Xukuntay Askari Dilay Muwaadin uu Sheegay Inuu...

Maxkamadda Ciidamada oo Toogasho ku Xukuntay Askari Dilay Muwaadin uu Sheegay Inuu “Fiiriyay”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah oo qisaas ah ku riday Ex-Dable Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo horey uga tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, kaddib markii lagu helay inuu si bareer ah u dilay muwaadin muruqmaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Iskoow Daa’uud. Falka dilka ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah oo qisaas ah ku riday Ex-Dable Bakar Cabdicasiis Maxamed, oo horey uga tirsanaa Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, kaddib markii lagu helay inuu si bareer ah u dilay muwaadin muruqmaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Falka dilka ah ayaa dhacay 28-kii June 2025, agagaarka Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari. Sida ay caddeeyeen markhaatiyaasha, sababta uu u dilay marxuumka waxay ahayd hadal sahlan oo uu ku yiri: “Maxaad iisoo fiirisay?”

- Advertisement -

Eedeysanuhu ayaa isku dayay inuu baxsado isagoo raacaya mooto Fekon ah, hase yeeshee waxaa lagu qabtay isla habeenkii degmada Cabdicasiis, kadib howlgallo degdeg ah oo ay sameeyeen hay’adaha ammaanka.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sameeyay baaritaan dhameystiran, waxaana dacwadda si rasmi ah loo furay 27-kii July. Garsoorayaasha maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku xukumay dil toogasho ah oo ah qisaas sharci ah oo waafaqsan shareecada iyo xeerarka ciidamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda, G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in xukunkaasi yahay mid cadaalad ah oo u adeegaya xuquuqda marxuumka iyo rabitaanka qoyska dhibbanaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts