HomeWararGuddoomiye Mungaab oo sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee...

Guddoomiye Mungaab oo sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo xiri doonta waddooyinka Cabdiqaasim iyo Banaadir ee degmada Hodan. Muungaab ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in shacabka dib loogu celiyo canshuurta ay bixiyaan, iyada oo loo marayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo xiri doonta waddooyinka Cabdiqaasim iyo Banaadir ee degmada Hodan.

Muungaab ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in shacabka dib loogu celiyo canshuurta ay bixiyaan, iyada oo loo marayo horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah. Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in dhowaan la bilaabi doono waddooyin kale oo laami ah oo laga hirgelinayo caasimadda.

- Advertisement -

Sidoo kale, Duqa Muqdisho wuxuu xusay in dhawaan la furi doono waddooyinka aan khatarta amni lahayn ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadka iyo gaadiidka, isagoo bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan hey’adaha amniga.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Hodan, agaasimeyaal, odayaal dhaqameed, ganacsato, hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts