HomeWararGolaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo

Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kadib doorkii ay ka qaateen ilaalinta shacabka iyo ka hortagga khasaare ka dhici lahaa degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo. Goluhu wuxuu sidoo kale si gaar ah u ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo garab istaag muuqda u muujiyey dowladnimada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kadib doorkii ay ka qaateen ilaalinta shacabka iyo ka hortagga khasaare ka dhici lahaa degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.

Goluhu wuxuu sidoo kale si gaar ah u ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo garab istaag muuqda u muujiyey dowladnimada iyo nabadeynta gobolka, taasoo keentay in xarumihii adeegga dowladda ay dib u bilaabaan shaqadoodii caadiga ahayd.

- Advertisement -

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu adkeeyey in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso dagaalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab , iyada oo laga shaqeynayo sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhameystiran.

Goluhu wuxuu caddeeyey in cid kasta oo carqaladeysa amniga iyo dadaallada lagu ciribtirayo Alshabaab, ay si toos ah uga soo horjeeddo danaha shacabka iyo dowladnimada.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu ansixiyey labo arrimood oo muhiim ah:

- Advertisement -
  • Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka ah ee Nidaamka Maareynta Maaliyadda Qaranka

  • Xisaab-xirka sanadlaha ah ee miisaaniyadda 2024

Go’aannadan ayaa qeyb ka ah dadaalka dowladda ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dowladda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts